Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hadda si rasmi u faray kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay in mudanayaasha baarlamaanka ay hor yaalaan wax yaabo fara badan, isagoona tusaale u soo qaatay dhibaatooyin waaweyn oo dalka ka jirra sida, duufaantii ka dhacday Puntland, Fatahaadii ku dhufatay Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoos, qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.
Guddoomiyaha ayaa ttilnaamay in loo baahan yahay siddii loo soo celin lahaa kalsoonida caalamka, kalsoonida umada Soomaalida, kalsoonida qof walba oo rajo ka qaba xaaladda Soomaaliya.
Prof Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka uu hadda hor yaallo mooshin kalsooni kala noqosho ah raysal wasaaraha.
Waxaa kal horre loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana xildhibaannada baarlamaanka ay ukala fadhiyaan labo qayb, kuwa waxa ay taageersan yihiin raysal wasaaraha kuwa kalena waa ay ka soo horjeedaan.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa noo sheegay in kulanka maanta aan wax cod loo qaadi doonin mooshinka wuxuu ku kooban yahay in la dooddo uun.
Warar kale naga filo