Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo ay hareero taagan yihiin saraakiisha laamaha amniga ayaa ka hadlay xaaladda adag iyo dhibaatooyinka ka jira magaalada Beledweyne oo maalmahan ay kusoo badanayeen burcadda hubeysan.
Guddoomiyaha ayaa xusay in xaaladdu ay faraha ka baxday, isla markaana magaalada ay qatar ku hayaan maleeshiyaad hubeysan oo dhac baahsan u gaysanaya shacabka Beledweyne.
“Beledweyne waxyaalaha ka dhacaayo waan u jeednaa qof dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan ayaa qolooyin tuugo ah oo iska yar ku leyneyso dadkii moobeellada, dhibaatooyin badan oo xaalad adag ayaa jira” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir culus, isaga oo maanta kadib Beledwene ka mamnuucay hubka sharci darrada ah, si looga hortago kooxaha burcadda ee ku sugan halkaasi.
Sidoo kale, wuxuu faray ciidamada amniga inay gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka.
“Dhammaan ciidamada qalabka sida ee qaabilsan amniga waa isku keenay waan wada fariisanay xaaladdaasna waa ka tashanay waxaan soo saarnay cid allaala ciddii qoray sharci darro ah oo magaalada Beledweyne ku wadata in lasoo qabto ciddii diidana waa jibaad laga guto” ayuu mar kale yiri Maxamed Xuseen Maxamed.
Waxaa kale oo uu u digay odayaasha dhaqanka oo uu ku eedeeyay in ay soo daba kacaan haddii lasoo xiro qof dambiile ah, taasina ay meesha ka saari doonaan, si la’iskula xisaabtamo.
“Dhibaatada kale waxaa nagu haayo odayaasha iyo nabadoonnada haddii qof la xiro iyaga soo daba ordaa oo saldhiggii imaanaayo, odayaasha waan uga digeynaa arrintaas” ayuu sii raaciyay
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa faraha ka baxay xaaladda ammaan ee degmada Beledweyne, waxaana ka dhacay dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo loo gaysanayo dadka shacabka ah.

