Guddoomiyaha Midowga Afrika oo si cajiib ah looga sagootiyay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka, ayaa Intii uu ku sugnaa Muqdisho kullamo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya.

Kulamada guddoomiyaha iyo madaxda Soomaaliya ayaa inta badan diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, taageerada howl-galka AUSSOM, iyo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ayaa uga mahad-celiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika booqashadiisa iyo doorka Midowga Afrika ee nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxa uuna ra’iisul wasaare ku-xigeenku xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ballan-qaaday inuu xoojinayo garab istaagga Midowga Afrika ee Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaan buuxda, ugana gudubto marxaladihii adkaa ee ay soo martay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale taageeray qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya iyo dagaalka AS, wuxuuna boggaadiyay labadaasi qodob oo uu tilmaamay inay gacan ku siinayaan madaxweynaha.