Guddoomiyaha SH/HOOSE iyo saraakiil ka tirsan Danab oo qarax lala beegsaday

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xoogan deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolkaasi, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Sidii), islamarkaana uu qeyb ka yahay taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer yare), kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino yaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo saartay saraakiil ka tirsan ciidamada Danab iyo sidoo kale kuwa Cadaan ah.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa qarax kadib xigay iska hor imaad toosah oo dhexmaray ciidamada iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Warar hordhac ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo labo askari oo Cadaan oo qeyb ka ahaa kolonyadaasi.

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo isugu jiro Soomaali iyo Cadaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Saraakiisha dhaawacmay waxaa sidoo kale ku jiro taliyaha ciidamada Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer Yare), kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Kolonyada qaraxa lala eegtay oo ka amba-baxay Afgooye ayaa gaaray markii dambe degmada Wanlaweyn oo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagneyd xiisad xoogan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadada weerarkan, iyada oo shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 4 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.