Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo idlaatay doorashada xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ku dooranayeen guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada oo ay codeynayeen dhamaan xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa xilka guddoonka baarlamaanka kusoo baxay shaqsiga aadka loo hadal hayay ee kasoo jeeda Somaliland.
Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh.
Xildhibaan Cabdi xaashi ayaa helay 43 cod, halka musharaxa la tartamayay uu helay 9 cod.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com