Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubaysnaa ayaa xalay fiidkii waxa ay Degmada Dayniile ku dileen Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Dayniile.
Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cisman Weheliye (Cali Jaceyl) ayaa ahaa guddoomiyaha deegaanka Oodweyne ee degmada Deyniile.
Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa horay usii qaatay Mobilka gacanta ee uu adeegsanayay marxuumka iyo bastoolad uu sitay, sida ay sheegen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha oo lahaan jiray ilaalo ayaa xiligii la dilaayay ahaa mid iska reebay ilaalada waxa uuna socday keligii.
Guddoomiyaha la dilay ayaa todobaad ka hor ka badbaaday qarax lagula eegtay isla degmada.
Qaraxa oo ahaa mid loo dhigay gaari uu la socday ayaa dhacay Jun 20, 2017, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Sidoo kale, Maleeshiyada dilka geystay ayaa Marxuumka u hanjabay qadar yar ka hor inta aanu la dilin, waxaana xigay dilkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, goobjoogayaal ayaa sheegay in geerida marxuumka ka hor uu ahaa mid lagu wargaliyay geeridiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

