26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Guddoomiye MURSAL oo shaaciyey sababta uu u baaqday kulankii maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayay in kulanka xildhibaanada baarlamaanka uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo ajandahiisa koowaad lagu sheegay inuu ahaa dhageysiga warbixin ay soo jeedin lahaayeen guddiga dib u eegista Dastuurka.

Wararka naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ayaa sheegay inuu baaqday kulankii maanta lagu balansanaa in xildhibaanada baarlamaanka ay yeeshaan.

Waxaa guddoonka baarlamaanka uu sheegay in kooram la’aan uu u baaqday kulanka maanta la filayay inuu ka furmo xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada ugu badan ee wasiirada ah ayaa la sheegayaa inay ka maqnaayeen xarunta golaha shacabka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiro Xildhibaan Fiqi, Daahir Amiin Jeesow iyo XIldhibaan C/Fataax ayaa maanta buuq ka dhex bilaabay kulanka, waxaana ay dalbanayeen in kulanka loo badalo mid loga hadlayo amaanka Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka xiga ee Kalfadhiga Shanaad looga hadli doono xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka ayaa muddooyinkaan dalbanayay in la furo kalfadhigooda Shanaad, iyaga oo sheegayay inay doonayaan isla xisaabtan dhexmara baarlamaanka iyo xukuumadda.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in kalfadhiga Shanaad uu dhalin karo isqabqabsi badan oo baarlamaanka dhexdiisa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News