27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee BF oo go’aan xasaasi ah gaaray + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan xaaadda guud ee dalka, gaar ahaan shaqooyinka Baarlamaanka.

Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda ku gaaray go’aan xasaasi ah oo ku aadan sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen xidhibaannada labada Gole, maadaama dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hanaanka doorashooyinka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimada dalka, si looga gudbo caqabadaha waawayn ee hadda taagan.

Sidoo kale, labada guddoomiye ayaa isla gartay xoojinta wada-shaqeynta labada qal ee Baarlamaanka iyo ka howlgalka shuruucda mudnaanta leh inta ka dhiman kalfadhigga 6-aad ee haatan socda.

Waxaa kale oo ay ku ballameen inay sii socdaan kulamada gaarka ah ee labada dhinac, si ay markasta u wadaagaan xogaha muhiimka ah iyo arrimaha soo kordhay, maadaama ay shaqo wadaag yihiin, ayna isku xiran yihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ka dhalatay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qof iyo cod, taas oo ay ka biyo diideen xubnaha mucaaradka.

Labada dhinac ayaa gebi ahaan ku kala tegay arrintan, waxaana taasi ay keentay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka baaqsadaan Gogogsha Wadatashiga Qaran ee uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan ka socota gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha’ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan fasax kasoo laabtay ayaa qorshuhu yahay inuu qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrimaha doorashada, wuxuuna horay u ansixiyay shuruuc muhiim u ah qof iyo cod iyo wax ka beddal lagu sameeyay cutubyo ka tirsan Dastuurka oo weli ay ka taagan tahay dood xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News