24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyihii Baydhaba oo la casilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegay in golaha deeganka ay xilkii kaga qaadeen guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macalin Axmad (Biikole).

Goluhu, wuxuu sheegay markii ay arkeen wax qabad la’aanta guddoomiyaha iyo uu ku kacay musuq-maasuq iyo wax is-daba marin baahsan in ay xilka ka qaadeen.

Kulanka sidda ay ku soo warrameen wariyaasha joogay, waxaa ku sugnaa dhammaan golaah deeganka Baydhabo.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in xilka ay ka qaadaan golaha deeganka guddoomiyihii magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikoole.

Isku day aan sameenay oo ku aadan sida uu arko tallaabada ay qaadeen golaha deeganka Baydhabo ayaa guddoomiyaha wuxuu sheegay in uu arrintaas hadda diyaar u ahayn in uu ka hadlo.

Magaalada Baydhabo waxaa hadda ku sugan ergooyin iyo siyaasiyiin kuwaasoo dooranaya maamul gobaleed cusub oo la baxay Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News