Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay warar laga faafiyay hogaamiye Ku-xigeenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Xildhibaanada maamulka ay wadaan Mooshin ka dhan ah Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Cabdi.

Cali Gacal Casir, Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo ka hadlaayay arrintan ayaa sheegay inaan weli loo soo gudbin Mooshin ka dhan ah Hogaamiye ku-xigeenka, isla markaana wararkaasi uu yahay mid been ah.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in uusan jirin Mooshin ay keeneen Xildhibaanada oo soo gaaray Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu farta ku goday in wararka Mooshinka ay faafiyeen shaqsiyaad leh dano gaara oo kasoo horjeeda shaqooyinka maamulka ee isbedelka leh.

Waxa uu sidoo kale, ku baaqay in Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ay ka fogaadan inay ku duulan tagaan wararka dhex yaacaya suuqa ee Mooshinka loogu abuuraayo Hogaamiye ku-xigeenka.

Geesta kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa tilmaamay in ay jiraan dad jecel dhibaatooyinka iyo xiisada ka dhex dhalata Madaxda maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com