
Gudoomiyaha gobolka Benadir ahna duqa magaalada Moqdisho mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta kormeel ku tagay bilicda wadada Jaziira waxaana socdaalkiisa ku wehliyeen masuuliyiin kale.
Mudane Taabit aya kormeeray hawsha nadaafada iyo qashin qaadka ka socoto wadada Jaziira oo todobaadkii hore shaqo adag laga bilaabay.
Maamulka gobolka Benaadir oo ka jawaab celinayeen cabashooyinka shacab weynaha kasoo gaarto ayaa hawl adag ka qabteen qashin weynihii Jaziira.

Wadada Jaziira ayaa haatan bilicdeeda banaanka usoo baxday waxaana goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Wadajir mudane Cumar Cabdulle Xasan oo aga mahad celiyay maamulka gobolka Benadir talaabada wanaagsan oo ay bilicda wada Jaziira ku hormariyeen.

Gudoomiye Cumar Cabdulle Xasan wuxuu yiri “Waxaan aad uga mahad celineynaa gudoomiye Taabit go’aankii uu ku qaatay soo celinta bilicda Jaziira maantana waxaan joognaa goob qurux badan, waxayna u tahay sharaf dagmadeena Wadajir”

Gudoomiyaha gobolka Benadir mudane Taabit wuxuu sheegay in dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed laga qaado wax loogu qabto.
Wuxuuna mudane Taabit goobta ka yiri “Hooyada Soomaaliyeed canshuurta bixisay kuna nool gobolka Benadir gaar ahaan Wadajir waxaan u sheegeynaa in canshuurta aad bixisay shaqadaan ku qabanay, sidoo kalena canshuur walbo oo la bixiyo adeega loo baahan yahay inaan ku qaban doono sida waxbarashada, caafimaadka iyo hawlaha kale”

“Anagana waxaan qaban doonaa maamulida dhaqaalaha shacabka laga qaado sidoo kalena aan shaqaalaha gobolka xuquuqdooda mushaar joogteeno si hawl walbo ayadoo dhameestiran”
Mudane Taabit iyo masuuliyiinta la socdeen ayaa soo gaba gabeeyeen Ololihii nadaafada degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane waxayna ugu dambeyntii dadka deegaanka kula dar daarmeen inay nadaafada marwalbo ku dadaalaan.

