Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kasoo horjeestay go’aankii xalay kasoo baxay madaxda madasha wadatashiga.
Gudoomiyaha ayaa sheegay ineysan aqbaleyn natiijada kasoo baxday madaxda madashada wadatashiga, wuxuuna sheegay in gobolka Banaadir uusan helin xaqii uu lahaa.
Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in gobolka Banaadir uu maqan yahay xaqii uu lahaa.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in maamul goboleedyada dalka loogu daray min seddex xildhibaan, balse gobolka Banaadir uusan helin wax xildhibaan ah.
Madasha Wadatashiga Qarana, ayaa xalay go’aan ku gaartay in la kordhiyo tirada Aqalka Sare ee dalka oo ka koobneyd markii hore 54, balse madasha ay ku dartay 18 Xubnood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com