25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Gudoomiye Boorsaani oo go’aan aday ka qaatay dhaqdhaqaaqa Shirkada TAKAFUL

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa go’aan adag ka qaatay shirkada Ceymiska ee TAKAFUl oo dooneysay iney xoog ceymis ku geliso gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka oo joojiyay ceymiskii la doonayay in laga qaado gaadiidleyda Muqdisho ka shaqeyso.

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka gobolka uu go’aankaasi qaatay isaga oo tixgelinayo codsiga iyo cabashada ay muujiyeen gaadiidleyda magaalada Muqdisho ka dhex shaqeeyo.

Gaadiidleyga Muqdisho ayaa shalay shaqo joojin sameeyay, waxaana laga dareemay magaalada Muqdisho oo laga waayay gaari dadweyne oo shaqeynaya.

Shirkada TAKAFUL ayaa dooneysa iney si qasab ah ceymis gaadiidka ku geliso, balse waxaa taasi diidan gudiga gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News