Muqdisho (caasimada Online)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay shaqsiga u wanaagsan inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qeyb galay barnaamij ka baxayya TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in afar sano ka hor uu olole u sameynayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh haddana uu taageersan yahay.
Wuxuu sheegay in isaga ahaan ay u wanaagsan tahay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud loo doortaa xilka madaxweynaha Soomaaliya.
“Horta waa runtiisa Afar sano ka hor waxaan ahaa raggii u ololeynaayay Xasan Sheekh Maxamuud, xisbigii aan ka wada tirsaneyn, ayaan ka ahaa Xoghaye arimaha Gudaha kadibna”
“Guddoomiye iyo Musharax inuu noqdo ayaan u dooranay inaan la shaqeeyo, waxaan igu qasbaayay xilkaan haayay iyo waxa naga dhaxeeyay, Alxamdulilaah waa uu ku guuleystay, saddex sano kadibna aniga Gobolka Banaadir ayaan masuul ka noqday”
“Markaa hadii aan kaftamo Xasan Sheekh inuu soo laabto iyo cid cusub inay timaado, Xasan Sheekh inuu soo laabto ayaa ii roon aniga.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Yuusuf Xuseen ayaa kamid ahaa xubnihii Xisbiga PDP waxaana seddex sano kadib laga dhigay gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

