25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Guuleed: Cabdi Weli GAAS intuu is leeyahay DF Somalia ku adkeey buu shacabkiisa ku adkeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed, ayaa ka hadlay dadaalada ay iminka ku jirto Dowlada Somalia iyo qaabka ay Maamulada dalka u taageersan yihiin.

Mr Gulleed waxa uu sheegay in dhammaan maamulada dalka ay yihiin kuwo isku mowqif ah, balse ay gooni isku taag tahay Puntland, taasina aysan waxba u dhimi doonin sida ay wax u socdaan.

”Caalamka marqaati ayuu ka noqday khilaafka ay mar waliba u taagan tahay Puntland, waxaa sii adkaaneysa kalsoonidii lagu qabay Puntland marba haddii uu Gaas uu is hortaag aan dhamaan ku hayo Horumarkii uu gaari lahaa shacabka maamulkiisa”

”Walaalkey C/wali Gaas waxa uu meel fog ka eegayaa qaabka uu mar waliba ugu adkeyn lahaa DF, balse waxaa hadda muuqaneysa in arrinka uu noqday mid cagsi ah waxa uuna ku adkeeyay dadkiisa ee kuwo kale waxba uma dhimin”

Gulleed waxa uu kula taliyay Gaas inuu kala saaro wixii isaga dangaar ah ka leeyahay iyo tan danta guud, isaga oo tusaalo usoo qaatay hoos u dhacyada ku imaankara maamulkiisa.

Dhinaca kale, dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ayuu ugu baaqay inay ka tashtaan aayahooda oo ay dhinacooda ka raacaan maamulada kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News