Guterres oo ka carooday dad ay laayeen ciidamada nabad ilaalinta ee QM

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay illaa 15 qof oo kale, sida ay shaacisay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Guterres ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ciidamada dhacdadaasi kadib.

Sidoo kale waxay arrintaan dhacday xili ay ciidamada xoog kaga soo tallaabeen xuduudka Uganda, una sii gudbeen dhanka Bariga DR Congo.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa sheegay in la xiray ciidamadii dhibaatadaas geystay isla markaana la baarayo.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in uu muran dhacay ka hor inta aysan ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay aysan billaabin in ay dadka toogtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxay dadka ku eedeeyeen ciidamada inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada kooxaha hubeysan.