Guudlaawe oo HOP#106 ka dhigay mid furan oo toddoba murashax ay ku tartamayaan

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kulan uu la qaatay murashaxiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu tahay HOP#106, kuwaasi oo tiradooda dhan yihiin todobo murashax oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo loo xirayo kuriga HOP#106 ee beesha Galmaax, uuna noqon doono mid furan ciddii uu alle u calfana ay kusoo bixi doonto.

Kursigaan oo doorashadiisa ay dhici doonto 9-ka bisha ayaa waxay murashaxiinta oo wada socda ay la kulmeen Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna ku amaaneen sida wanaagsan ee hufnaanta leh uu xil isaga saaray inuu kursigaan noqdo mid furan.

Waxaa ku tartamaya kursigaan murashaxiinta kala ah Shadoor Xaaji Maxamuud, Cabdi Kaafi Makaraan, Cabdifitaax Yaanyo, Cabdullaahi Cadde, Yuusuf Jaalle,Cismaan Xaadoole. Inta badan xubnahan ayaa ah kuwa kasoo horjeeda siyaasadda Villa Somalia, marka laga reebo Yuusuf Jaalle oo saaxiib la ah Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in musharaxin kale ay maanta isa soo taagi doonaan.

Wararka aan ka heleyno Jowhar ayaa sheegaya in murashaxiinta ugu cad cad uu kow ka yahay Shadoor Xaaji Maxamuud oo ah nin dhalinyaro ah oo horay ula soo shaqeeyay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, haddana ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waana aqoonyahan heerka aqoontiisa sareyso iyo wariye hore oo siyaasadda u xuub siibtay.

Murashaxiinta kale ee tartamaya ayaa waxaa ku jira Yuusuf Jaalle oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, balse rajadiisa ay tahay mid liidato, maadaama loo arko shaqsi Villa Somalia riixeyso, wuxuuna

Dhanka kale, waxaa kursigaan horay ugu fadhiday Drs. Mino Xasan Shibis, balse xiligaan ka quusatay in dib danbe loo doorto maadaama beesha ay ku madasho ee Galmaax wixii ay ka sugayeen ay gabtay inay qabato, danaheeda mooyee.