27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Cali Guudlaawe oo qaaday wadadii Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen – Muxuu sameeyay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah maamulkaasi uga furay diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod ee ay riixeyso dowladda dhexe.

Cali Guudlaawe iyo boqolaal dadweyne ayaa safaf u galay diiwaan-gelinta, iyadoo madaxweynuhu iska diiwaan-geliyey hannaanka doorasho qof iyo cod ee dowladdu sheegtay in guud ahaan laga hirgelinayo dalka.

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle ka hirgaliyay xaruntii ugu horeysay oo lagu diiwan-gelinayo dadka ka qeyb-galaayo doorashada.

“Dadka ayaa doonayo inay ku ciil-baxaan codkooda waxaan si siman oo ay madax ku jirto loogu dareeray diiwan-gelinta doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda HirShabelle.

Madaxweyne Guudlaawe oo bulshada kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta haystaan fursadii ugu wanaagsaneyd, taas oo ah inay codkooda ku soo saartan qofka ay doonayaan.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle maanta waxa ay heystaan fursadii ugu wanaagsaneyd, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u soo istaago xuquuqdeyda muwaadinimo,” ayuu yiri Guudlaawe oo dardaarankan u jeediyey dadweynihii ka qeyb qaadanayay diiwaan-gelinta.

Guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada maamulka HirShabelle ayuu gaari doonaa hannaanka doorashada dib loogu celinayo dadweynaha.

Horey madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maamuladooda ka bilaabay diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka, taas oo ay isaga diiwaan-geliyeen Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

- Advertisement -

Read more

Local News