Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay shirka madasha wadatashiga aayaha Somalia.
C/kariin Gulleed oo shir Jaraa’id ku qabtay Cadaado, ayaa sheegay in Galmudug aysan raali ka ahayn wixii kasoo baxay shirka.
Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxdii shirtay ay isla meel dhigi waayen go’aan ay isla garteen oo ku aadan doorashada dalka ka qabsoomeysa dhamaadka Sanadkan 2016-ka.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Carabka ku dhuftay in Dowlada Somalia ay go’aan kaligeed ah gaartay taasi oo keentay in Madaxda Maamul Gobaleedyadana ay iska qaataan Go’aankaas.
Haddii Beesha Caalamka ay taageero u muujisay qodobadii ay miiska soo saartay Dowladda Somalia, ayuu Gulleed qeexay in ugu dambeen ay dhinacoodu ka aqbaleen.
Cabdkariin Gulleed waxaa uu sheegay in matalaadii shacabkooda ee ahayd in doorashada lagu saleeyo 4.5 ay ku guul daraysteen, waxaana uu sheegay in go’aanka Dawladda Federaalka ah ee Somalia iyo beesha caalamka ay qaadanayaan, oo ay ku qaateen in dhammaan maamulada ay ku qasbanaayeen xalka lasoo gaaray in la qaato.
Arintan xiisaha badan ayaa ah in Madaxda Maamul Gobaleedyada dalka ee Madasha aaney Dareenkooda ku cabirin Muqdisho balse marka ay dib ugu laabtaan soo bandhiga natiijadii madasha oo aysan ku qanacsaneyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com