Islamabad (Caasimada Online) – Wax yar ka dib saqdii dhexe ee 7-dii Maajo, shaashadda ku taallay qolka hawlgallada ee Ciidanka Cirka Pakistan ayaa wada guduudatay, iyadoo muujinaysa goobaha ay ku sugan yihiin tobannaan diyaaradood oo cadowga ka tirsan, kuwaasoo si firfircoon uga hawlgelayay dhinaca xadka Hindiya.
Taliyaha Ciidanka Cirka, Sareeye Zaheer Sidhu, ayaa maalmo ku seexanayay joodari meel u dhow qolkaas, isagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada dhinaca Hindiya.
New Delhi waxay ku eedeysay Islamabad inay taageerto maleeshiyaad bishii taas ka horeysay weerar ka fuliyay gobolka Kashmir ee dhinaca Hindiya, kaasoo lagu dilay 26 qof oo rayid ah. In kasta oo ay Islamabad beenisay inay lug ku lahayd, haddana Hindiya waxay ku dhaaratay inay ka aargoosan doonto. Dhaar taas oo fulinteedu timid aroornimadii hore ee 7-dii Maajo, markaasoo Hindiya ay duqeymo cirka ah ku qaadday Pakistan.
Sidhu wuxuu amray in la duuliyo diyaaradaha casriga ah ee Pakistan ee noocoodu yahay J-10C ee uu Shiinuhu sameeyay. Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka Pakistan (PAF), oo ku sugnaa qolka hawlgallada, ayaa sheegay in Sidhu uu faray shaqaalihiisa inay beegsadaan diyaaradaha Rafale, oo ah kuwa uu Faransiisku soo saaro, kuwaasoo laf-dhabar u ah Ciidanka Cirka Hindiya, weligoodna aan hore dagaal loogu soo ridin.
“Wuxuu doonayay Rafale,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Dagaalkaas oo socday muddo saacad ah, gudcurkana dhexdiisa ka dhacay, ayey khubaradu ku qiyaaseen inay ka qaybqaateen ilaa 110 diyaaradood, taasoo ka dhigaysa dagaalkii cirka ee ugu weynaa adduunka muddo tobannaan sano ah.
Diyaaradaha J-10s waxay soo rideen ugu yaraan hal diyaarad oo Rafale ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegtay bishii Maajo, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah. Soo riditaankeedu wuxuu la yaab ku noqday dad badan oo ka tirsan bulshada militariga, wuxuuna su’aalo ka keenay waxtarka qalabka militari ee Reer Galbeedka marka loo barbar dhigo kuwa Shiinaha ee aan weli si buuxda loo tijaabin.
Saamiyada shirkadda Dassault, oo samaysa diyaaradda Rafale, ayaa hoos u dhacay ka dib wararka sheegay in diyaaradda dagaalka la soo riday. Dalka Indonesia, oo dalab u gudbiyay diyaaradaha Rafale, ayaa sheegay inuu hadda ka fiirsanayo iibsashada diyaaradaha J-10s – taasoo dhiirigelin weyn u ah dadaallada Shiinaha ee uu ku doonayo inuu diyaaraddan ka iibiyo caalamka.
Laakiin, waraysiyo ay wakaaladda Reuters la yeelatay laba sarkaal oo Hindi ah iyo saddex kale oo dhiggooda Pakistan ah ayaa daaha ka rogay in waxqabadka diyaaradda Rafale uusan ahayn dhibaatada asaasiga ah. Arrinta udub-dhexaadka u ahayd soo riditaankeeda waxay ahayd guuldarro sirdoon oo dhanka Hindiya ka timid, taasoo ku saabsan fogaanta uu gaari karo gantaalka PL-15 ee Shiinuhu sameeyay, kaasoo ay ridaan diyaaradaha J-10. Shiinaha iyo Pakistan waa labada dal ee keliya ee wada adeegsada diyaaradaha J-10s, oo loo yaqaan “Vigorous Dragons,” iyo gantaallada PL-15.
Macluumaadkaas sirdoon ee khaldanaa wuxuu duuliyeyaasha Rafale siiyay kalsooni been abuur ah oo ahayd inay ka baxsan yihiin meel ay Pakistan wax ka soo ridi karto, fogaantaas oo ay aaminsanaayeen inay tahay qiyaastii 150 km oo keliya, sida ay sheegeen saraakiisha Hindida, iyagoo tixraacaya fogaanta sida weyn loo tebiyo ee nooca dhoofinta loogu talagalay ee gantaalka PL-15.
“Dabin ayaan u dhignay,” ayuu yiri sarkaalka PAF, isagoo intaa ku daray in Islamabad ay weerar dhanka dagaalka elegtarooniga ah ku qaadday nidaamyada New Delhi si ay isugu daydo inay jahawareeriso duuliyeyaasha Hindiya. Saraakiisha Hindiya ayaa meesha ka saaray waxtarka dadaalladaas.
“Hindidu ma aysan filayn in rasaas lagu soo furi doono,” ayuu yiri Justin Bronk, oo ah khabiir ku takhasusay dagaalka cirka kana tirsan machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee fadhigiisu yahay London. “Gantaalka PL-15 wuxuu si cad u muujiyay inuu awood weyn u leeyahay masaafooyinka dhaadheer.”
Gantaalkii PL-15 ee ku dhacay diyaaradda Rafale waxaa laga soo riday meel u jirta ilaa 200 km (124.27 mayl), sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan, iyo xitaa meel ka sii fog sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya. Taasi waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah weerarradii hawada-ilaa-hawada ee ugu fogaa ee abid la diiwaan geliyo.
Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee Hindiya kama aysan jawaabin codsiyo falcelin oo ku saabsanaa khaladaadka sirdoonka. New Delhi ma aysan qiran in diyaarad Rafale ah laga soo riday, laakiin taliyaha ciidanka cirka ee Faransiiska ayaa weriyeyaasha u sheegay bishii Juun inuu arkay caddeymo muujinaya khasaaraha diyaaraddaas iyo laba diyaaradood oo kale oo ay Hindiya duulinaysay, oo ay ku jirto mid Ruushku sameeyay oo nooceedu ahaa Sukhoi.
Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Dassault ayaa isla bishaas u sheegay sharci-dejiyeyaasha Faransiiska in Hindiya ay ku weysay diyaarad Rafale ah hawlgallada, in kasta oo uusan haynin faahfaahin dheeraad ah.
Militariga Pakistan waxay tixraaceen hadallo hore oo uu afhayeenkoodu ku sheegay in diyaargarowgooda xirfadeed iyo go’aankoodu ay ka muhiimsanaayeen hubka ay adeegsadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha kama aysan jawaabin su’aalaha Reuters. Shirkadaha Dassault iyo UAC, oo samaysa diyaaradda Sukhoi, sidoo kale kama aysan jawaabin codsiyada falcelinta.
“Ka warqabka xaaladda goobta”
Wakaaladda Reuters waxay la hadashay sideed sarkaal oo Pakistani ah iyo laba sarkaal oo Hindi ah si ay u soo ururiso xog ku saabsan dagaalkaas cirka, kaasoo calaamad u ahaa bilowga afar maalmood oo dagaal ah oo dhex maray labada dal ee deriska ah ee ku hubeysan Nukliyeerka, kaasoo walaac ku abuuray Washington. Dhammaan saraakiishu waxay ku hadleen shuruud ah inaan magacyadooda la sheegin si ay uga hadlaan arrimaha amniga qaranka.
Ma aha oo kaliya in Islamabad ay haysatay awoodda lama filaanka ah ee fogaanta gantaalaheeda, sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan iyo Hindiya, laakiin waxay sidoo kale ku guuleysatay inay si hufan isugu xirto qalabkeeda militari iyo sirdoonka dhulka iyo cirka, taasoo siisay sawir cad oo ku saabsan goobta dagaalka. Isku xirka noocan ah, oo loo yaqaan “silsiladaha beegsiga” (kill chains), ayaa noqday arrin muhiim u ah dagaallada casriga ah.
Afar sarkaal oo Pakistani ah ayaa sheegay inay abuureen “silsilad beegsi,” ama hawlgal dhinacyo badan leh, iyagoo isku xiray qalabka dareemayaasha ee cirka, dhulka iyo hawada sare. Nidaamkan waxaa ku jiray mid ay Pakistan samaysay, oo lagu magacaabo Data Link 17, kaasoo isku xirayay qalabka militari ee Shiinaha iyo qalab kale, oo ay ku jirto diyaarad wax basaasta oo Iswiidhan samaysay, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Pakistani ah.
Nidaamkani wuxuu u oggolaaday diyaaradaha J-10s ee u duulayay meel u dhow Hindiya inay xogta raadaarka ka helaan diyaaradda wax basaasta ee ku duulaysay meel ka fog, taasoo la micno ah in diyaaradaha Shiinaha ay damin karaan raadaaradooda oo ay duuli karaan iyagoon la arkin, sida ay sheegeen khubaradu. Militariga Pakistan kama aysan jawaabin codsiyada faallo bixinta ee ku saabsan qodobkan.
New Delhi waxay isku dayaysaa inay samaysato nidaam isku xir oo la mid ah, sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya, iyagoo intaa ku daray in geeddi-socodkoodu uu ahaa mid aad u adag sababtoo ah dalku wuxuu diyaaradaha ka keensadaa dhoofiyeyaal kala duwan.
Sareeye Guud oo ka fariistay Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska, Greg Bagwell, oo hadda cilmi-baare ka ah machadka RUSI, ayaa sheegay in dhacdadu aysan si kama dambays ah u caddayn sarraynta qalabka cirka ee Shiinaha ama kan Reer Galbeedka, laakiin ay muujisay muhiimadda ay leedahay in la helo xogta saxda ah iyo sida loo adeegsado.
“Guusha waxaa helay dhinicii lahaa ka warqabka ugu wanaagsan ee xaaladda goobta,” ayuu yiri Bagwell.
“Isbeddelka xeeladaha dagaalka”
Ka dib markii Hindiya aroornimadii hore ee 7-dii Maajo ay duqeysay bartilmaameedyo ku yaal Pakistan oo ay ku sheegtay kaabayaal argagixiso, Sidhu wuxuu amray guutooyinkiisa inay ka gudbaan difaac una gudbaan weerar.
Shan sarkaal oo ka tirsan PAF ayaa sheegay in Hindiya ay soo dirtay ilaa 70 diyaaradood, taasoo ka badnayd intii ay filayeen, waxayna taasi siisay gantaallada PL-15 ee Islamabad bartilmaameedyo fara badan. Hindiya ma aysan sheegin tirada diyaaradaha ay adeegsatay.
Dagaalkii 7-dii Maajo wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee tartan cirka ah oo weyn oo ka dhaca xilligan casriga ah kaas oo hubka loo adeegsado in lagu beegsado bartilmaameedyo ka baxsan aragga tooska ah, ayuu yiri Bagwell, isagoo xusay in diyaaradaha Hindiya iyo Pakistan labaduba ay ku sugnaayeen hawadooda intii uu dagaalku socday.
Shan sarkaal oo Pakistani ah ayaa sheegay in weerar elegtaroonik ah oo lagu qaaday dareemayaasha iyo nidaamyada isgaarsiinta Hindiya uu hoos u dhigay wacyiga xaaladda ee duuliyeyaasha diyaaradaha Rafale.
Labada sarkaal ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradaha Rafale aan la indho tirin intii lagu jiray iska horimaadka, iyo in dayax-gacmeedyada Hindiya aan la khalkhal gelin. Laakiin waxay qireen in Pakistan ay u muuqatay inay khalkhal gelisay diyaaradda Sukhoi, oo ay New Delhi hadda cusboonaysiinayso nidaamyadeeda.
Saraakiil kale oo dhanka amniga Hindiya ah ayaa su’aalaha ka weeciyay diyaaradda Rafale, oo udub-dhexaad u ah casriyeynta militariga Hindiya, waxayna farta ku fiiqeen amarrada la siiyay ciidanka cirka.
Qunsulka gaashaandhigga ee Hindiya ee Jakarta ayaa dood-cilmiyeed jaamacadeed ka sheegay in New Delhi ay ku weysay diyaarado “sababo la xiriira ammarro xaddidaya oo ka yimid hoggaanka siyaasadeed, kuwaasoo ahaa inaan la weerarin xarumaha militariga ee Pakistan iyo difaacooda cirka.”
Taliyaha guud ee ciidamada gaashaandhigga Hindiya, Janaraal Anil Chauhan, ayaa horey u sheegay wakaaladda Reuters in New Delhi ay si degdeg ah “sixid ugu samaysay xeeladihii dagaalka” ka dib khasaarihii hore.
Dagaalkii cirka ee 7-dii Maajo ka dib, Hindiya waxay bilowday inay beegsato kaabayaasha militari ee Pakistan ayna muujiso awooddeeda hawada sare. Gantaalkeeda BrahMos ee dhawaqa ka dheereeya ee Hindiya lagu sameeyay ayaa si isdaba joog ah u dhex maray difaaca cirka ee Pakistan, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socda labada dhinac.
10-kii Maajo, Hindiya waxay sheegtay inay duqeysay ugu yaraan sagaal saldhig-cir iyo goobo raadaar oo ku yaal Pakistan. Waxay sidoo kale ku dhufatay diyaarad basaas ah oo taallay hangar ku yaal koonfurta Pakistan, sida ay sheegeen saraakiil Hindi iyo Pakistani ah. Xabbad-joojin ayaa lagu heshiiyey goor dambe oo maalintaas ah, ka dib markii saraakiil Maraykan ah ay wadahadallo la yeesheen labada dhinac.
‘Xog toos ah’
Dhacdadaas ka dib, taliye ku xigeenka ciidanka Hindiya, Lt. Gen. Rahul Singh, wuxuu ku eedeeyay Pakistan inay xog toos ah (“live inputs”) ka helaysay Shiinaha intii lagu jiray dagaallada, isagoo ula jeeday xogta raadaarka iyo dayax-gacmeedka. Ma uusan soo bandhigin caddeyn, Islamabad-na way beenisay eedeyntaas.
Mar la weydiiyey shir jaraa’id oo bishii Luuliyo la qabtay oo ku saabsanaa iskaashiga militari ee Beijing kala dhexeeya Pakistan, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa weriyeyaasha u sheegay in shaqadaasi ay “qayb ka tahay iskaashiga caadiga ah ee labada dal, aysana beegsanayn dhinac saddexaad.”
Taliyaha ciidanka cirka ee Beijing, Lt. Gen. Wang Gang, ayaa bishii Luuliyo booqday Pakistan si ay uga wada hadlaan sida ay Islamabad u adeegsatay qalabka Shiinaha si ay isugu duba riddo “silsiladda beegsiga” ee diyaaradda Rafale, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan PAF.
Shiinuhu kama uusan jawaabin mar la weydiiyay isdhexgalkaas. Militariga Pakistan waxay bayaan ay soo saareen bishii Luuliyo ku sheegeen in Wang uu muujiyay “xiiso weyn oo uu u qabo inuu wax ka barto khibradda dagaal ee la xaqiijiyay ee Ciidanka Cirka Pakistan (PAF) ee dhanka Hawlgallada Dhinacyada Badan Leh.”