Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay iney ka shaqeeyaan nabad galyada magaalada Gaalkacyo.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo cid gaar ah la wareegi Karin labada dhinac, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii nabad loogu wada noolaan lahaa.
Madaxweyne Guuleed, wuxuu sheegay in dhankooda diyaar u yihiin sidii looga shaqeyn lahaa nabbada magaalada Gaalkacyo islamarkaana dadka ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Muddo ku dhow hal bil ayaa Magaalada Gaalkacyo , waxaana ka dhacaayay dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dhowr heshiis oo ay wada gaareen labada madaxweyne ayaa fashilmay , waxaana maanta lagu wadaa in ay markale ku kulmaan Gaalkacyo.
Wakiilka QM ee Soomaaliya, ra’iisul wasaare Cumar iyo xubno kale ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan wadahadalada maanta ka furmaya magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]