25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Guuleed oo xiisaddii Galmudug ka daray Cadaado-na ka mamnuucay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu mamnuucay in magaalada Cadaado uu kasoo dego Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed, ayaa Saraakiisha Garoonka ku amray in xabsi la dhigo haddii ay dhacdo in Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed kasoo dego Garoomaha maamulka.

C/kariin Guuleed ayaa Guddoomiye ku-xigeenka ku eedeeyay inuu ka shaqeynaayo Carqaladeynta maamulka Galmudug, isla markaana uu wax kama jiraan ka dhigaayo maamulka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Hogaamiyaha Maamulka uu Ciidamada NISA ee Cadaado ku amray inay is hortaagan in Garoonka Cadaado ay kasoo degto Diyaarada uu la socdo Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug, ayaa dhawaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Xalane kula kulmay Diplumaasiyiin reer Galbeed ah kuwaa oo uu kala hadlay xil ka qaadista C/kariin Guuleed iyo Hanjabaada loo jeediyay Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News