25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Guuleed oo lagu helay Kiis halis galinkara sumcadiisa & QM oo go’aan degdeg ah ka gaareysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka C/kariin Guuleed lagu helay Kiis musuq-maasuq ah kadib booqashadii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.

Kiiskani lagu helay C/kariin Guuleed ayaa isugu jira mid dhaqaale iyo mid isdabamari codadka Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug.

Kiisaska lagu helay Madaxweyne Guuleed ayaa waxaa kamid ah inuu qaatay lacago laaluush ah oo cadadkeeda lagu sheegay 2 milyan oo dollarka Mareykanka ah taa oo uu ka qaatay laba Musharax oo Ganacsato ah.

Sidoo kale, C/kariin Guuleed waxaa lagu helay in Seddex Musharax uu u gacanbidixeeyay Ergooyinkii wax dooran lahaa, iyadoo Seddexdaasi Musharax daqiiqado ka hor inta aysan Doorashada dhicin loo keenay Ergooyin ka duwan kuwii hore oo la safnaa Musharaxiin kale.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating oo todobaadkaani gaaray magaalada Cadaado ayaa Kiiskaasi ku helay baaritaan uu sameeyay inta uu ku sugnaa magaalada.

Micheal Keating oo xaqiiqsanaaya Kiiskaani ayaa waxa uu kulan gaara la qaatay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo qaar kamid ah Ergadii uu ku tacdiyay Guuleed, waxaana usoo baxay xaqiiqda Kiiskaasi.

Micheal Keating, ayaa dhowr jeer sheegay in Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Cadaado ay ku socoto qaab Musuq-maasuq, waxa uuna iminka helay xogta xaqiiqda ah ee Musuqaasi.

Dhinaca kale, Mr Micheal Keating iyo Xubnaha kale ee Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo aad u hadal haya Kiiska C/kariin Guuleed, waxaana lagu wadaa in go’aan cad ay ka gaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News