Habmaamuuska Madaxtooyada maxaa ka hallaysan?! (Warbixin iyo Sawirro)

Soo dhawaynta iyo qaabillaada mas’uuliyiinta iyo marti sharafta kaaga timaadda waddamada dibaddu waa arrin muhiim ah oo aad ku kasban kartid saaxiibtimada dalalkaas, korna ugu qaadi kartid sumcadda dalkaaga iyo dadkaaga. Hadba heerka saaxiibtinimada iyo xidhiidhka aad waddankaas la leedahay gaadhsiisantahay ayay ku xidhantahay hawlaha soo dhaweynta iyo heerka sarreynta lagu qaabilo wafuudda ku soo booqata.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jira arrimo iska caadi ah oo masuul kasta oo magac dawladdeed kuugu yimaaddaa kaa filan karo. Arrimahaas waxaan ka xusi karnaa calanka waddanka uu ka socdo waftigaasi oo ka muuqda goobaha lagu qaabilayo. Taasi waa xushmayn iyo qadarin la siinayo martisharafta.

Dhanka kale marka ay astaanta calanku ka maqan tahay goobta lagu qaabilayo waftigaasi,  waxay ka dhigantahay bahdil iyo xaqiraad aad ku samaynaysid masuulkaas ku soo booqday, waxaanay mararka qaarkood dhalisaa in uu khalkhal iyo madmadow diblomaasiyadeed soo kala dhexgalo labadaas waddan.

Waxaa xusid mudan oo arrintan tusaale fiican innoogu noqon karta dhacdadii uu sida bahdillaada ah ugu qaabilay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Israa’iil safiirka Turkiga u fadhiya dalkooda xilli hadda laba sano ku dhawaad ka soo wareegtay.

Safiirka Turkiga Md. Ahmet Oguz Celikkol oo uu wasiir xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil Daniel Alayon ugu yeedhay xafiiskiisa, ayaa qaabkii uu u qaabilay noqotay mid si aad ah uga cadhaysiisay wadanka Turkiga.

Goobtii qaabillaad oo ahayd qol aad u yar, ayaa waxaa la soo dhigay calanka Israa’iil oo keliya iyadoo isla markaana safiirka lagu fadhiisiyay kursi ka gaaban midka ay wasiirka iyo madaxda kale ee Yuhuuddu ku fadhiyeen. Arrintan oo saxaafaddu aad uga faallootay xilligaas ayaa xidhiidhka labadaas dal wax weyn u dhintay.

Haddaba waxaa yaab iyo amakaag lahayd in magaalada Muqdisho oo ay dhawaan yimaaddeen wufuud ka kala socotay labada dal ee Iiraan iyo Turkiga oo aan ku tilmaami karno saaxiibada ugu dhaw ee Soomaalidu xilligan leedahay in aan haba yaraatee goobihii lagu qaabilayay aanu ka muuqan calanka dalalkoodu. Sawiro ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo qaybiyay saxaafadda, ayaa qaabilaaddii uu madaxweynuhu ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Md. Cali Akbar Saalexi uu ka muuqday calanka Soomaaliya oo keli ahi.

Sidoo kale kulankii uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Md. Ahmet Davutoglu, waxaa isna goobta ka muuqday calanka Soomaaliya oo keliya iyadoo shirkii Jaraa’id ee ay wadajirka u qabneenna labada calanba meesha ay ka maqnaayeen

Labadan waddan oo horseed u ah saaxiibada tirada yar ee Soomaalidu leedahay, ayaa runtii dadaal weyn ugu jira sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu fidin lahaayeen taageero wax-ku-ool ah si ay uga gudbaan marxaladdan adag ee dalku ku jiro.

Inkastoo ay hubanti tahay in madaxweynaha iyo saraakiisha xafiiskiisu ay qadarin iyo abaalba u hayaan wufuuddan oo aanay ujeeddadoodu ahayn in ay wax u dhimaan sumcadda marti sharafta soo booqatay, haddana waa nasiib darro innoo muujinaysa aqoon yarida dhinaca habmaamuuska iyo baratakoolka diblomaasiyadeed ee lagu qaabilo wufuudda ka haysta kaadiriinta Damul Jadiid ee madaxtooyada ka hawl gasha. Waxaan shaki lahayn in dhacdani sumcadxumo iyo sharaf dhac u soo jiidayaso madaxweyanaha iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyadoo islamarkaana fadeexad iyo wajigabax ku ah siiba madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Waxaa lagamamaarmaan ah in shaqaalaha mataxtooyadu ay ilaaliyaan magaca iyo sumcadda ummadda Soomaaliyeed kana digtoonaadaan falalka noocan oo kale ah.

Khaliil C/raxmaan X.Xasan
WardheerNews, London
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan