25.6 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Hadal heynta Muqdisho: Muxuu ahaa ballanqaadka Boorsaani 2 saac un ka hor xil ka qaadistiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Boorsaani ayaa waxa uu laba saac un ka hor xil ka qaadistiisa shaaciyay in sanadkaani ay dhisi doonaan 6 waddo oo muhiim u ah Gobolka Banaadir.

Boorsaani oo lagu kadiyay xil ka qaadista ayaa sheegay labad saac ka hor inta aan xilka laga qaadin in maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynaayo dhisida 6 wado oo ka mid ah Wadooyinka Burbursan ee Gobolka Banaadir.

Boorsaani waxa uu sheegay in wadooyinka la dhisayo ay dhamaantood muhiim u yihiin bulshada Gobolka Banaadir.

Waddooyinka uu qorsheynaayay inuu dhiso xil ka qaadistiisa ka hor ayaa waxaa kamid ahaa wadada Sodonka iyo Wadada isgooska dabka ilaa iyo isgooska Bakaaraha isku xirto waxa uuna xusay in lagu dhisi doono Mashruuca hal dollar ku dhiso Dalkaaga.

Boorsaani waxa uu intaa ku daray in sanadkii lasoo dhaafay ay u suura gashay dhisida ilaa 4 waddo oo muhiima ah waxa uuna sheegay in dhisida wadooyinkaasi ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka banaadir iyo Bulshadda ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Boorsaani ayaa maalin un ka hor sheegay inaan laga qaadi doonin xilka uu u hayo Qaranka, kadib markii uu sheegay inuu ku badbaadi doono howlaha uu qabtay mudada uu xilka hayo.

Geesta kale, Boorsaani ayaa arrin uu aad ula yaabay ku noqotay xil ka qaadistiisa maadaama laba saac un ka hor uu shaaca ka qaaday inuu dhisaayo 6 waddo, hayeeshee labadaani arrin ee isku soo beegmay ayaa waxaa aad u haday haya shacabka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News