25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Haddii Habar-Gidir hesho R/W, imisa xil kale ayey weyneysaa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar xoogan oo ku aadan in beesha Habargedir ay u hanqal taageyso xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana sidoo kale jiro beelo kale oo la hadal hayo.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in masuuliyiin sarsare oo xilal kala duwan soo qabtay kana soo jeeda beesha Habargedir ay doonayaan inay qabtaan xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Haddii xilkaasi beesha Habargedir la siiyaa waxaa murunka ugu xoogan uu ka imaan doonaa sii ahaanshaha madaxweynaha maamulka Galmudug oo hadda C/kariin Xuseen Guuleed uu yahay.

Madaxweyne Guuleed ayaana diidan inuu lumiyo booska uu iminka joogo, isagoo ka door bidaya in xilkaasi loo magacabaa ruux kasoo jeeda beel kale oo aan Habargedir aheyn.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo aan kala joogsi laheyn oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta xildhibaanada iyo waxgaradka beesha, iyaga oo doonaya xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale beesha Habargedir ayaa weyn doonta xilka wasaarada arimaha gudaha iyo xilal kale oo ay kamid yihiin mid kamid ah safaaradaha ugu waaweyn caalamka oo hadda beeshaasi ay ku fadhido.

Beelaha kale ee xusul duubka ugu jiro xilka ra’iisul wasaaraha waxaa kamid ah beesha Murusade oo dooneysa iney xilkaasi qabtaan.

Beelaha Abgaal ayaa dhankooda waxay wadaan dadaal ay markale ku noqonayaan ra’iisul wasaaraha dalka oo ay ugu dambeysay xukuumadii Cabdulaahi Yuusuf Axmed, xiligaasi oo Cali Geedi laga dhigay ra’iisul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News