26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Hailemariam oo ka hadlay qorshaha Ethiopia ee dekedaha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika.

Hailemariam, waxa uu sheegay in Geeska Africa ay kusii baaheyso horumarka deegaan iyo kan Dekadaha waxa uuna sheegay in dalkiisa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Dowladaha Geeska.

Hailemariam Desalegn, oo wareysi gaaban siiyay telefishanka Aljazeera, ayaa waxaa la weydiiyay sida uu u arko maalgalinta ay dowladaha Imaaraadka, Turkiga iyo shiinaha ku hayaan Dekadaha Casab ee Ereteriya, Berbera, Muqdisho iyo Jabuuti.

Hailemariam Desalegn oo ka jawaabaya ayaa yiri” Dhammaan deriskayaga xiriir fiican ayaa la leenahay, marka laga reebo Ereteriya”

Waxa uu intaa raaciyay ”Xiriir wanaagsan ayaanu la leenahay Somalia iyo Jabuuti ma filaayo in dhankooda ay nooga imaaneyso caqabad la xiriirta isticmaalka dekadaha”

”Xiriirkeena dhanka Dekadda kuma eka Somalia iyo Jabuuti xitaa waxaan xiriir wadaagnaa Sudan oo dakadeeda aan kala soo degno rarka u socda Ethiopia”

”Qorshaheena fog waxaa kamid ah in mustaqbalka aan adeegsano dekadaha ay maamusho dowlada Somalia iyo tan Mombasa si aan uga faa’iideysano xiriirka fiican ee aan wadaagno dowladahaasi”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ”Dhammaan dowladaha aan isticmaalno dekadahooda waxaan u heynaa xushmad gaara waayo waxa ay noo muujiyaan sabar iyo dulqaad aan lasoo koobikarin”

”Isticmaalkeena dekadahaasi waxa ay ku xiran yihiin danaheena gaarka ah waayo waad la soctaa Ethiopia malaha dekad ay kala soo degto rarkeeda gaarka ah”

”Dowladaha qaar ee aan la wadaagno dekadaha waxa ay ku jiraan xaalado colaadeed waxa ayna Ethiopia la qeybsaneysaa xaaladahaasi dhibka badan”

Docda kale, Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxa uu mahadcelin gaara usoo jeediyay Dowlada Somalia oo saaxiib dhow la ah, maadaama ay la wadaagto Dekado uusan carab dhabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News