27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Halkee ayuu ku danbeeyay amarkii gaadiidka hubeysan ee Muqdisho lagu soo rogay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusoo kordhaaya gaadiidka Hubeysan ee dhawaan laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka.

Gaadiidka oo qeybo kala duwan ka kooban ayaa waxaa qaarkood saaran Hubka waaweyn ee la xadiday isticmaalkooda.

Gaadiidka loo yaqaan Cabdi bilaha ayaa kamid ah gaadiidka laga mamnuucay waddooyinka waxa ayna iminka si caadi ah u isticmaalan waddooyinka, iyagoo aan wadan warqado fasax ah, sida ku qorneyd qodobadii ay soo saaren Hay’adaha amniga.

Gaadiidka Cabdi bilaha ayaa waxaa dusha ka saaran qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha iyo PKM oo kamid ah Hubka isticmaalkooda loogu tallo galay furumaha dagaalka.

Gaadiidka ay wataan Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxaa saaran ciidamo ka badan tiradii loo fasaxay mas’uuliyiinta ee Afarta aheyd, waxaana qaarkood ku arkeysaa shan askari iyo wixii kabadan.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho caadi ka noqotay in gaadiidka ay la socdaan ciidamada qoryaha ku taagan gaadiidka raaxada ee la wadaaga waddooyinka, iyadoo talaabadaa ay aheyd mid Seddexdii bil ee ugu danbeysay laga reestay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa inta badan dowlada Somalia lagu eedeeyaa inaysan ka dhabeyn sharciyada ay jideyso, iyadoo ay xusid mudan tahay in sharci waliba uusan shaqeyn karin wixii kabadan bil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News