Halkee ayuu u baxsaday SHEEKH AADAN SUNNE?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa oo dhowaan isaga soo tegay isaga oo baxsad ah magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Wasiir ku xigeenka amniga ee Somaliland Cabdullaahi Xuseen Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sunne uu si iskiis ah uga guuray Somaliland, wuxuunta tilmaamay in aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba.

“Waxaa kuu caddeynayaa ninkaas wadaadka ah ee Sheekh Aadan Sunne la yiraahdo waa nin isaga Somaliland iskiis uga guuray, isagaa caa’iladiisiina ka rartay cid Alla cid ammaan darra ku sababtay ma jirto, cid wax u dhintayna ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xogta ay ku hayaan inuu aaday koonfurta Soomaaliya, uuna ku biiray mid ka mid ah ururada ka dhisan halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullaahi Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan Sheekh Aadan Sunne uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay. Wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo uu sheegay inay  saameyn doonaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in Sheekha uu ka baxsado Somaliland.

“Hadda baaritaan xoog-leh ayaanu wdnaa baaritaankaasi wuxuu saameyn doonaa dhammaan cid Alla cid kasta oo arrintaa ka taakuleysay inuu Sheekh Aadan Sunne ka guuro magaalada Hargeysa ee uu saaxibadii lagu xaman jiray u tego,” ayuu sii raaciyey.

Sheekh Aadan Sunne oo caan ka ah Somaliland ayaa horey loogu xiray Hargeysa, balse markii dambe lagu sii daayey damiin, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka amniga.