25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Haweeney 80 jir ahayd oo Muqdisho lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa degmada Hodon ee gobolka Banaadir ku toogtay haweeney 80 sano jir ah, kadib markii ay bastoolad la dhaceyn.

Haweeneyda ayaa magaceeda lagu sheegay Cibaado Cagla oo si weyn looga yaqaanay degmada Hodon ee gobolka Banaadir, sida dadka goobjoogayaasha ay sheegeen.

Kooxaha hubeysan ayaa markii dilka ay u geysteen haweeneyda kadib waxaa la sheegay iney isaga baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay, waxaana la ogeyn sababta haweeneyda loo dilay.

Ciidamo ka tirsan dowlada oo baadi goob ahaa ayaa dilka kadib gaaray xaafada haweeneyda lagu dilay, balse ma aysan dhicin iney dad usoo qabtaan dilka haweeneyda.

Todobaadkaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal kala duwan oo loo geysanayay xubnaha ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News