Muqdisho (Caasimada Online) – Xili la filaayo in dhawaan ay doorasho ka dhacdo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somalia Aamina Maxamed Mursal.
Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay inay kamid tahay shaqsiyaadka Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan kula tartamaaya xilka, waxa ayna DFS ugu baaqday inay faragalin kusoo sameyso doorashada.
Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay in qaban qaabada doorashadaasi uu Afduubtay Shariif Xasanb Sheekh Aadan isla markaana ay ka cabsi qabaan in la qabto doorasho magac u yaal ah.
Shariif Xasan ayey sheegtay in sida uu rabo uu umaamulanayo doorashadaasi oo u taagan yihiin dhowr Musharrax.
“Dowlada Somalia waa inay faragalin kusoo sameysaa doorashada, musharaxiinta aan aniga kamidka ahay xitaa kama warqabaan howlaha doorashada waa inaan helnaa cadaalad loo maro doorashada”
Waxa ay ugu baaqday dowaldda federaalka ah ee Somalia xitaa inay hakiso doorashada inta laga saxaayo gudiga Doorashada, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inaanu dhici doonin doorasho xalaal ah.
Haddalka, Aamina Maxamed Mursal, ayaa kusoo beegmaaya xili qeyla dhaan xoogan laga muujinaayo qaabka ay u socoto doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho