Nairobi (Caasimada Online) – Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xakiimo Cabdulle ayaa laga dajiyay diyaarad ay la socotay kadib markii kaaliyaha diyaaradaasi la socday uu arkay iyada oo kuraasya ka badalayneyso ruux kale oo rakaab ah.
Haweeneyda Soomaaliyeed ayaa la sheegay iney watay labiska lagu yaqaan haweenka muslimaadka ah, balse waxaa la arkay iyada oo kursiga ka badalaneyso ruux kale oo rakaabka kamid ah, taasi oo shaki badan dhalisay.
Kaaliyaha ayaa sheegay in diyaarada marka lagu jiro ineysan sharci aheyn in rakaabka ay isku badalaan kuraastooda, ayna arkeen haweeneyda Soomaaliyeed oo rakaabka kursiga ka badalaneyso kursiga.
Diyaarada South West Airline ee dalka Mareykanka oo isaga kala gooshta magaalooyinka dalka Mareykanka ayaa waxaa ay la socotay haweeneyda Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Xakiimo Cabdulle.
Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka (The Council on American Islamic Relations (CAIR) ayaa ashtako ka muujiyey Dhaqan-xumidda Shirkadda Diyaaraddaha ee Southwest Airlines, waxayna ugu baaqeen inay jawaad cad uga bixiyaan sababaha Haweeneyda Muslimadda ay si khasab ah uga dejiyeen Diyaaradda.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]