27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Hay’adda kaarka aqoonsiga Somalia ee NIRA oo wajaheysa caqabad $125 milyan ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay hadda ku guda jirtaa hirgelinta nidaamka casriga ah ee aqoonsiga dadweynaha (Digital ID), iyadoo dalku u baahan yahay qiyaastii $125 milyan si barnaamijkan si buuxda looga hirgeliyo guud ahaan waddanka, waxaa sidaas sheegtay hay’adda NIRA.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle, oo xogtan ku shaaciyay, ayaa sheegay in illaa hadda waxaa la helay kaliya shan meelood meel (1/5) miisaaniyadda guud ee loo baahan yahay.

Nidaamka aqoonsiga casriga ah ee Soomaaliya ayaa la daah-furay sannadkii 2023-kii, iyadoo uu mashruucaas taageero dhaqaale ka helayo Bankiga Adduunka. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in muwaadin kasta la siiyo aqoonsi sharci ah oo waafaqsan yoolka horumarinta waarta ee SDG 16.9, isla markaana aqoonsiga laga dhigo aalad sahleysa helitaanka adeegyada kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka ahba.

Bankiga Adduunka ayaa ah maalgeliyaha ugu weyn ee mashruucan, iyada oo loo marayo nidaamka maalgelinta siyaasadda horumarinta (DPF), in kastoo uusan ahayn isha kaliya ee dhaqaalaha.

Dhamaadkii sannadkii hore, NIRA waxay shaacisay in in ka badan hal milyan oo muwaadin ay horay u qaateen aqoonsiga qaranka, tiradaas oo weli aad uga fog yoolka la higsanayo oo ah in 15 milyan oo qof la diiwaangeliyo afarta sano ee soo socota gudahood.

Agaasime Cabdiweli wuxuu sharaxaad ka bixiyay qaar ka mid ah caqabadaha horyaalla NIRA iyo sida ay uga gudbayaan. Caqabadahan qaarkood ayuu horay ugala hadlay warbaahinta Biometric Update mar uu ku sugnaa shirkii sannadlaha ahaa ee ID4Africa ee ka dhacay Itoobiya sannadkii 2025.1

“Qorshaha aan dajisanay wuxuu u baahan yahay $125 milyan si barnaamijkan looga hirgeliyo guud ahaan dalka, si muwaadin kasta uu u helo kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yiri Cabdiweli. 

Cabdiweli ayaa intaas ku daray in si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo, ay dejiyeen istiraatiijiyad shan sano ah oo la jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan). Waxa uu xusay in inkasta oo ay jiraan caqabado badan, istiraatiijiyaddoodu tahay in la hubiyo in kaararka aqoonsiga si loo wada dhan yahay loo gaarsiiyo muwaadiniinta ku sugan dhammaan gobollada dalka.

Cabdiweli wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha xasaasiga ah sida khidmadaha laga qaado qaadashada aqoonsiga, wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan musuqmaasuqa, amniga xogta (digital security), ilaalinta madax-bannaanida xogta, iyo dadaallada isku-xirka adeegyada.

Sannadkan, NIRA waxay sheegtay inay jirto qorshe lagu doonayo in adeegyo badan oo dowladeed lagu xiro aqoonsiga qaranka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istiraatiijiyadda kor loogu qaadayo qaadashada kaarka, isla markaana loogu fududeynayo muwaadiniinta inay si fudud u helaan adeegyada dadweynaha marka la aqoonsado.

Mashruuca aqoonsiga ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid door muhiim ah ka ciyaaraya hindisaha SPRING ee uu taageero Bankiga Adduunka. SPRING (oo laga soo gaabiyey ereyada: Kobaca Wax-soo-saarka, Adkeysiga iyo Ka-wada-qaybgalka Soomaaliya) waa mashruuc loogu talagalay in lagu taageero dadaallada shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, kaas oo ay hormuud ka tahay ganacsiga gaarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News