27.1 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Heshiiska Xasan iyo madax goboleedyada: Dhibcaha siyaasadeed ee ay kala wataan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Jimcihii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho. War-murtiyeed dahsoon ayaa kasoo baxay kulanka, kaas oo markii tafsiir lagu sameeyo dhinac walba faa’iido iyo khasaare u leh.

Marka hore war-saxaafadeedka waxaa ku jiray laba qodob oo is-burinaya. Golaha Wadatashiga Qaran qeybta uu kaga hadlay dib u eegista dastuurka wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo galay ee la xiriiray dastuurka.

Isla qeyb kale oo qoraalkii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran waxa uu goluhu ku bogaadiyay baarlamaanka meel-marinta afartii cutub ee dastuurka.

Haddii lagu dhaqmayo heshiisyaddii hore ama la raaco kuma jirin ra’iisul wasaare la eryi karo ee waxaa ku jiray madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaa ku qorneyd laba xisbi ee kuma qorneyn saddex xisbi, sidoo kalena kuma qorneyn hoggaamiyeyaal ee waxaa ku qornaa madaxweynayaal.

Meeshan waxaa la faa’iiday min hal dhibic. Xasan Sheekh wuxuu haystaa oo uu maanta ku faanaya in afartii cutub ee uu isagu siduu doono u dhigay inay maamulladdii ka aqbaleen.

Halka ay maamullada haystaan maanta inay markale soo jeediyeen in heshiisyaddii hore lagu dhaqmo, taas oo iyadana loo fasiran karo in maamullada ay weli waxba ka aqbalin isbeddelkaas uu Xasan Sheekh wada-tashi la’aanta ku sameeyay.

Qodobkaas in war-murtiyeedkaas lagu soo daro waxay maamullada uga dhigan tahay inay xilli walba diidi karaan sida uu madaxweynaha wax u dhigay.

Midda labaad: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu waayey in si toos ah warqadda loogu qoro inuu soo dhiso guddiga doorashooyinka qaranka, oo uu rabay in sidaasi loo caddeeyo.

Tan waa la farsameeyay oo waxaa la yiri “baarlamaanka ha dhameystiro sharciyada ka ratibmaya fulinta afarta cutub,” fulinta madaxweynaha keliya kuma xirna oo maamullada ayaa kaalin ku leh kuna dhibi kara haddii ay ka shikiyaan.

Midda saddexaad: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu aad u rabay in la muddeeyo doorashooyinka dowladaha hoose, si uu u caddeeyo in rabitaankiisa doorashada uu shaqeeyay, iyadana kuma uusan guuleysan in meesha lagu soo qoro.

Midda afaraad: Madaxweynaha wuxuu sidoo kale ku guul-dareystay inuu muwaadiniinta Soomaaliyeed ee degan caasimada iyo afartaasi maamul goboleed uu u caddeeyo inay doorasho ka dhaceyso deegaanadooda iyo xilliga ay dhaceyso intaba.

Madaxda maamullada ma rabin in qodobkaas la caddeeyo.

Midda shanaad: Maamullada waxay ka badbaadeen inay Xasan Sheekh siiyaan go’aanka u dambeeya ee doorashadooda. Waxay lasoo laabteen mas’uuliyadda go’aanka doorashadooda, maadaama aan meelna lagu soo hadal qaadin xilliga doorashadooda iyo sida ay u dhaceyso.

Waxayna xirteen xujo ah inay marwalba dhihi karaan heshiisyaddii hore ha loo laabto, taas oo uusan Xasan Sheekh hadda awoodin, maadaama uu baarlamaanka mariyay wax ka duwan heshiisyaddii hore balse uu ku dhisay rabitaankiisa.

Midda lixaad: Muddo kororsi farsameysan. In lagu dhaqmo heshiisyaddii hore waxaa kamid ah in doorashada madaxda maamul goboleedyada ay kasoo horreyso midd golaha deegaanka, illaa maamullada ay qabtaan doorashada golaha deegaanka lagama hadli doono midda hoggaamiyeyaasha.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in bilaha May ama June ee sanadka 2025 laga fikiraayo doorashada golaha deegaanka, micnaheedu waa sanad kale oo qarsoon oo muddo kororsi ah.

Midda toddobaad: War-murtiyeedka golaha oo maamullada istaajiyay meel dhexe. Waxay awoodaan inay Xasan Sheekh iskala joogaan, maadaama uusan doorasho ku qasbeynin, ama inay ka haraan oo ay doorashooyin qabsadaan.

Haddii ay u bareeraan inay doorashooyin qabsadaan waxay haystaan mar-marsiyo ah inuu madaxweynaha ka baxay heshiisyaddii hore, iyaguna ay doorashooyin qabsanayaan.

War-murtiyeedka Jimcihii wuxuu nuxurkeedu ahaa markii la-dagaalanka argagixisada guullo fiican laga gaaro oo isla ogol lagu dhameystiro sharciyada qaar oo loo laabto fulinta heshiisyaddii hore loo gaaray in markaa kadib laga heshiisiin doono waqtiga doorashada, taas oo ka dhigan in muddo kororsi aan la mudeynin la siiyay maamullada, iyaguna ay Xasan Sheekh qash-qashaadin.

Warqaddii habeen hore waxay kale oo maamullada u baneysay haddii uu Xasan Sheekh ku dhaqaaqo wax aan lagu heshiinin inay iyaguna ku dhaqaaqi karaan doorasho u gaar ah.

- Advertisement -

Read more

Local News