HirShabelle oo ku hanjabtay inay dekeda Ceel-Macaan furayso, islamarkaana xiri doonto xuduudda Xamar

Jowhar (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan ay ka keeneen habka loo qaybsaday Dhaqaale loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar ay ku soo aaday, ayaa masuuliyiinta Hirshabelle, waxa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi inay qaadayaan tallaabooyin.

Wasiirka Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle C/laahi Maxamed Cadow oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu ku hanjabay inay furanayaan Dakadda Ceel Macaan, Garoonka Cisaley, xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhiganayaan.

Wasiirka wuxuu sheegay Dowladda Somaliya inay ka tabanayaan eex ballaaran oo ku aadan saamiga yar ee la siiyay Maamulka Hirshabelle, arrintaasina wax u qalma aysan aheyn Maamulkooda.

“Waxa socda haddii ay ku sii socdaan Hirshabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, Hirshabelle Garoonka Cisaley ayeey furan doontaa, xuduuda Banaadir waxaan gaynaynaa Ciidamadaan doraad qabaailka lagu tilmaamay waxaan gaysan doonaa xadka Banaadir & Hirshabelle, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa, waxaan rabnaa dowladnimo & cadaalad.” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyadda Hirshabelle.

Dowladda Federalka Somaliya ayaanan wali ka hadlin cabashada ay qabaan Maamulka Hirshabelle ee ku aadan saamiga yar ee Maamulkaasi uu sheegay in laga siiyay dhaqaale loogu talo galay gurmadka masiibooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com