HIRSHABELLE oo tallaabo qaaday maanta, kadib…

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska HirShabelle oo kaashanayaa saraakiisha milatariga ee ka howlgala deegaanada maamulkaas ayaa si wadajir ah howlgal uga sambeeyey gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna ku qaadeen isbaarooyin dhowr ah.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow Xasan, taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad ciidamada Xoogga Korneyl Saney iyo maamullada degnooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee howlgallada laga sameeyey.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmooyinka dhaca dhanka xeebta, gaar ahaan Warsheekh, Cadale iyo Raage Ceelle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudane Axmed Mayre Makaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaadeen jidgooyooyinkii yiilay halkaasi, wuxuuna faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ciidamada ammaanka inay sii adkeeyaan amniga.

“Waxaan rabnaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada milatariga inta ku qoran ay iska xil-saaraan sida hadda loo soo nadiifiyey sidaas inay isaga xil-saaraan howshaasna ay u adkeeyaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/ Dhexe.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay howlgalka, wuxuuna shaaciyey inay ku faraxsan yihiin in ka maamul ahaan wadada laga qaaday isbaarooyinkii lagu dhibaateyn jiray shacabka.

“Maanta, shalay iyo daraad waxaa ku jirnay howlgal lagu nadiifinaayo saddexda degmo ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee xeebta ku taallo, sidaad ogtigiin deegaanadaan waxaa ku badatay tuugada iyo niman jidka kusoo booda marka Ilaahey Mahadiisa waayey howlgal wadajir ah ayaan sameyntay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga ee Warsheekh.

Tallaabada ay qaaday HirShabelle ayaa jawaab u ah qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka ku dhaqan degmooyinka howlgallada laga sameeyey iyo dadka ku safra waddada marta xeebta, kuwaas oo ka cabanayey kooxo hubeysan oo isbaarooyin soo dhigtay wadadaasi.