Mahadaay (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howgal culus oo maanta ciidamada deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay Ciid Ciidka Jimbilow ayaa lagu beegsaday horjooge sare iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaas, iyada oo la gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya waxaa howlgalka lagu khaarijiyay hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan iyo saddex xubnoo oo kale oo la socday, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay aagga howlgalka laga sameeyay.
Muxudiin Xasan ayaa ahaa horjooge caan ka ahaa Ciid Ciidka, waxaana uu ahaa ninka Al-Shabaab u qaabilsanaa Mahadaay iyo duleedkeeda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
“Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday warbaahinta dowladda.
Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, maadaama ciidamadu ay u daateen gudaha kooxda.
“Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in weli halkaasi ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.
Ciid Ciidanka iyo deegaannada kale ee dhaca jinka wabiga ayaa muddooyinka waxaa kusoo xoogeysanayay Al-Shabaab oo marin ka dhigatay halkaasi, si ay dagaalyahannadeeda ugu kala gubaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay kooxda ka waddo dagaallo culus.

