Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa si adag uga hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolkaasi.
Cabdullahi Ganey oo sheegta inuu yahay hoggaamiyaha Hiiraan State-ka kasoo horjeeda Cali Guudlaawe ayaa wuxuu ku eedeeyay maamulka HirShabelle inay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.
“Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Ganey.
Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, islamarkaana uu hadda Hiiraan kasoo garay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.
“Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli halkiisii ah, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay kal hore ku dhawaaqeen maamul ay sheegeen inuu ka madax banaan yahay HirShabelle.