25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

IRAN oo si jees-jees leh ugu jawaabtay Trump xilli xiisaddu soo laba kaclaysay

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Aayatullah Cali Khamenei oo muddooyinkii dambe lagu arkin saxaafadda ayaa maanta soo muuqday, kadib kulan uu la qaatay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha difaaca iyo maamulka dalka.

Khamenei ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo la xiriira barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan iyo cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ee lagu hayo waddankiisa.

Khamenei ayaa intii uu khudbadda jeedinayay si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo yiri: “Waxay dileen saynisyahannadeennii, balse aqoontooda ma tirtiri karaan. Trump wuxuu ku faanayaa in ay duqeeyeen oo burburiyeen warshadihii nukliyeerka Iiraan. Waxaan ku leeyahay, waad riyoonaysa ee hurdada ka toos.”

Aayatullah Khamenei ayaa sheegay in Iiraan aysan marna ka tanaasuli doonin madax-bannaanideeda iyo xaqa ay u leedahay inay horumariso tiknoolajiyadeeda gaar ahaan barnaamijkeeda nukliyeer, “si kasta oo cadaadis iyo cunaqabateyn la saaro.” Tan ayaa si toos ah uga dhigan in Tehran ay fariin culus u dirtay Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ee cadaadiska ku haya.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya xilli xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan ay mar kale u dhexeyso Iiraan iyo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii Washington ay sheegtay in Tehran ay jebisay heshiisyadii hore ee nukliyeerka.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u tabisay hadalkan, iyadoo ku tilmaamtay khudbadda Khamenei “mid dib u kicisay xiisaddii siyaasadeed ee gobolka Bariga Dhexe.”

Muuqaalka Khamenei ayaa si gaar ah u muujinaya in hoggaamiyaha 85-jirka ahi wali leeyahay saameyn xooggan oo siyaasadeed iyo mid ruuxi ah gudaha Iiraan, inkastoo uu muddo dheer ka maqnaa muuqaal toos ah oo saxaafadda ah.

Arrimahan ayaa imanaya xilli Washington ay tixgelinayso cuna-qabateyn cusub oo lagu soo rogo Iiraan, kaddib warbixinno sirdoon oo muujinaya in Tehran ay kordhisay heerka uranium-ka la nadiifiyay. Tan ayaa la sheegay inay sii adkayn karto wada-hadallada diblomaasiyadeed ee ka socda Geneva.

Si kastaba, Tehran ayaa weli muujinaysa in aysan u jilicsanayn cadaadiska caalamka, isla markaana ay ku adkaysanayso in barnaamijkeeda nukliyeer uu yahay mid nabadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News