Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, isaga oo kasoo duulay magaalada Laascaanood ee xarunta ee gobolka Sool.
Firdhiye ayaa si weyn oo mugleh loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho oo ay uga hortageen madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, sida wasiirro, xildhibaanno iyo dadweyne loo diyaariyay soo dhaweyntiisa, taas oo sare usii u dhigtay maqaamkiisa.
Cabdulqaadir Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee sanadkan 2025..
Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.
Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.
Hoggaamiye Firdhiye oo dhowaan wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay ka qayb-galka shirkan oo uu markiisii ugu horreysay imaanayo, isaga oo metalayo dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo dhowaan maamul goboleed loo aqoonsaday.
Hoggaamiyaha ayaa xusay in wax wayb uga dhigan tahay tagistiisa Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay tahay markii u horreysay oo uu shirka ka qayb-galayo mas’uul reer waqooyi ah, maadaama markii hore ay madasha ku ekeyd reer koonfur oo kaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga qaran ay gayn doonaan taladooda iyo arrinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
“Horta madasha markii ugu horreysay ka qayb-galo oo reer waqooyi ah weeyaan qoladaan reer Koonfureed ayaa madashaan iska haysatay marka waxaan leenahay waa nimid, waxaana soo kordhin doonaa qaybihii kala duwanaa ee qaranka Soomaaliyeed oo badankood ay dhan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa taladii qaranka oo SSC ay bartanka u fadhiso, waxaanu soo kordhin doonaa midnimo, wadajir iyo Somalinimo”.
Imaanshaha Cabdulqaadir Firdhiye ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood, halkaas oo uu uga soo dhowaaqay aqoonsiga maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo.
Waa markii labaad ee uu hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) imaanayo magaalada Muqdisho, laakiin safarkiisii hore ayaa ku koobnaa booqasho oo kaliya, laakiin hadda waa mid xambaarsan ujeedooyin siyaasadeed oo waawayn, maadaama uu qayb ka noqanayo go’aannada kasoo baxaya ee Shirka Golaha Wadata.