Muqdisho (Caasimada Online) – Hoobiyayaal aan la garaneyn meel laga riday ayaa maanta ku dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya.
Ilaa labo Hoobiye ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen Iskuulka 15-ka May, iyo dhismayaal ay deggan yihiin siyaasiyiin ka tirsan dowladda.
Lama sheegin ilaa hadda cid wax ku noqotay hoobiyayaasha maanta ku dhacay qeybo kamid ah degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir.
Jugta hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, Hey’daha Amaanka dowladda ayaana wali ka hadlin arintaas.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimada online, Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]