Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacday deegaanka Guudoole, kadib markii halkaasi lagu weeraray Hooyo iyo carruurteeda oo lagu laayay halkaasi.
Hooyada oo lagu magacaabi jiray Madiino Jimcaale ayaa lasoo wariyay in goobta ay ku dhimatay, halka ay dhaawacyo daran soo gaareen qaar lamid ah carruurteeda.
Qoyskan oo reer guuraa ah ayaa la sheegay in ay soo weeraray maleesiyaad hubeysan oo mar qura rasaas oodda uga qaaday, kuwaas oo ka baxsaday deegaanka uu falku ka dhacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu yahay aar gudasho loo geystay Hooyadan iyo carruurteeda, taas oo la xiriirta dil hore loogu gaystay Hooyo kale iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, isla gobolkaas.
Allaha u naxariistee marxuumiintaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.
Xaaladda deegaanka uu dilku ka dhacay ayaan haatan mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in xiisad xooggan oo ka dhalatay dilka dadkaas ay ka taagan tahay halkaasi.
Kiiskan wuxuu gaaray maxkamadaha Galmudug, waxaana shalay si rasmi ah ula wareegtay Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud, kadib markii ehellada marxuumiinta iyo xeer ilaalinta ay ku qanci waayeen xukun ay dhawaan soo saartay Maxkamadda Darajada 1-aad.
Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

