28.6 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Horjoogayaal iyo maleeshiyo badan oo la dilay iyo Idaacaddii Al-Shabaab oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay xalay ciidamada kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ku qaadeen deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa gudaha ugu daatay deegaanka, waxayna weerareen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay halkaasi, iyaga oo gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu beegsaday mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkan lagu dilay Ina ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa argagixisada, sidoo kalena lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay ku jirtay Idaacadda Andalus ee qaybta deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay.

“Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaankaas” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hawlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah, ayaa faahfaahin dheeraad ah laga sii wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah”

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe sidaan oo kale loogu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla shalayna lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News