Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal cir iyo dhul ah oo maanta iyo shalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo aad looga taxadaray ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jabad Godane, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo goobta lagu laayay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare ayaa lagu dilay howlgalka, sida lagu sheegay qoraalka.
Sidoo kale waxaa kamid ah horjoogayaasha la khaarijiyay Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta iyo Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.
“Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025, fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.
Howlgalkan waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso.
Dhagarqabayaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ah:
- Jacfar Aadan – Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane.
- Cabdirisaaq Cali – Oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta.
- Daa’uud – Horjoogaha qeyb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.
Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka, iyo saadka.
Tani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.


