Afgooye (Caasimada Onlin) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal aad loo qorsheeyay lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Jaabir iyo siddeed xubnood oo kale oo ilaalo u ahaa, kana mid ahaa maleeshiyaadka kooxda.
“Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay in horjoogaha la dilay uu khatar ku ahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ciidamada oo helay xogtiisa ay xalay soo khaarijiyeen.
Horjoogahaan ayaa ka mid ahaa horjoogyaasha qatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed, kaas oo xogtiisa si wayn ay ula socdeen ciidamada Qaranka, ugu danbayna xalay ayey ku guulayteen inay nafta naafiyaan” ayaa mar kale lagi yiri warka qoraalka ah.
Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xaaladda deegaanka Bariiri oo ah halka uu howlgalka ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqtyo u dhexeeya labada dhinac.
Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan gobolka ay ka wadaan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo deegaanno horleh ka xoreeyay argagixisada.\
Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Khawaarijta, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada uqdisho.

