Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan isbedel ku imaaday jawiga guud ee magaalada Muqdisho, xili dhawaan la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.
Ololaha doorasho ayaa waxaa laga dareemayaa Xarumaha Dowlada iyo Hoteelada magaalada Muqdisho, waxaana sarakac ku imaaday qiimaha lagu jiifan jiray Hoteelada magaalada Muqdisho.
Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Mas’uuliyiin iyo Odayaal aan horay deegaan ugu ahaan jirin Hoteelada kuwaasi oo la rumeysan yahay inay ku jiraan Hordhaca Ololaha doorasho, waxaana halkaasi ka socda shirar iska soo horjeeda oo looga tashanaayo qaabka doorasho.
Mas’uuliyiinta iyo Odayaasha qaar ayaa waxaa dhaqaalaha ay ku degan yihiin Hoteelada ka bixinaaya Dowlada Somalia, halka qaarna ay ka bixinayaan Musharaxiinta kale ee dooneysa inay isku soo taagan xilka madaxtinimo ee dalka.
Waxaa iminka magaalada Muqdisho kusoo wajahan Musharaxiinta qaar oo iyagu doonaayo in wakhti dheer ay Ololahooda ka bilaaban magaalada Muqdisho oo noqon doonta halka ay ka dhici doonto Doorashada.
Musharaxiinta qaar ayaa sidoo kale si hordhac ah magaalada Muqdisho ugu soo diray Siyaasiyiin ay si KMG ah ugu xil saarteen Ololaha Doorasho, inkastoo aan la ogeyn goorta ay soo shaac bixin doonaan Ololaha ay ka dhex wadaan Hoteelada.
Dhanka akle, waxaa jiro warar sheegaya in DFS aysan wali bixin Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada, taasi oo aan la ogeyn sababta keentay, inkastoo warar kaasi ka duwan ay sheegayaan in Mushaaraadkooda loo adeegsan doono xalinta Marxalada kala guurka ah ee iminka uu galay dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]