24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Howl-galka tarxiilka ee ICE ay ku beegsaneyso Soomaalida oo ka billowday Minnesota

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo ay waddo Laanta Socdaalka iyo Kastamada (ICE), kuwaas oo si gaar ah loogu beegsanayo soo-galootiga Soomaaliyeed, ayaa haatan si toos ah uga socda gobolka Minnesota, gaar ahaan Magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities). 

Tallaabadan xawliga lagu dardargeliyay ayaa timid maalin qura kadib markii Madaxweyne Trump uu si cad u yiri: “Ma rabo in [Soomaalidu] ay dalkeenna sii joogto.”

Toddobaadkii hore, xilli lagu guda jiray munaasabadda Thanksgiving-ka, Trump waxa uu weerar afka ah ku qaaday barasaabka Minnesota Tim Walz isagoo adeegsanaya erayo takoor ah oo lagu liidayo dadka naafada ah. Qoraalkaas ayuu Trump sidoo kale ku sheegay in qaxootiga Soomaalida ahi ay “si buuxda u qabsadeen, una beddeleen wajigii wanaagsanaa ee gobolka Minnesota.”

Trump kuma joogsan intaas, balse wuxuu hore amar ugu bixiyay in dib-u-eegis adag lagu sameeyo dhammaan dadka haysta kaararka deggenanshaha (Green Card) ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale, isagoo ku hanjabay inuu gebi ahaanba meesha ka saari doono Maqaamka Magangalyada Kumeelgaarka ah (TPS) ee ay ku joogaan Soomaalida Minnesota.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa Talaadadii xaqiijiyay in hay’adda ICE ay qorsheynayso inay cududdeeda iyo agabkeedaba isugu geyso aagga Minneapolis-St. Paul, si ay u fuliso hawlgallo ka dhan ah shakhsiyaadka ay u yaallaan amarrada masaafurinta. Ilo xog-ogaal ah oo la socda qorshahan ayaa tilmaamay in boqolaal qof la filayo in lagu beigsado hawlgalkan.

Hase yeeshee, xaqiiqdu waxay tahay in inta badan Soomaalida ku dhaqan gobolka ay yihiin muwaadiniin Maraykan ah ama dad haysta degganaansho rasmi ah, taas oo ka dhigaysa tirada dadka sharcigu qaban karo ee la masaafurin karaa kuwo aad u kooban.

Dhanka kale, cimilada barafka iyo dhaxanta daran ee xilligan jirta ayaa la filayaa inay caqabad ku noqoto, xaddiddo-na baaxadda hawlgallada iyo ugaarsiga ay wadaan wakiilada socdaalku.”

Xaaladdan cakiran darteed, xubnaha bulshada iyo culimada diinta ayaa galabnimadii Khamiista isugu soo baxay kulan duco iyo garab istaag ah oo ka dhacay xaafadda Cedar-Riverside.

“Maanta waxaan halkan idiin kugu nimid annagoo quluubteennu ay midaysan tahay, kana buuxo jacayl iyo walaac weyn oo aan u qabno ehelkeenna iyo dhiiggeenna Soomaaliyeed,” ayay tiri Amber Jones oo ka tirsan Kaniisadda Fellowship Missionary Baptist.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Minneapolis, Brian O’Hara, oo goobjoog ka ahaa kulankaas, ayaa qiray xanuunka jira, wuxuuna yiri: “Xaqiiqdu waxay tahay, dadka bulshadeenna ku dhex nool maanta aad bay u damqanayaan.”

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa si kulul u weeraray hadallada naceybka xambaarsan ee Madaxweyne Trump, isagoo ku tilmaamay “been abuur, naceyb qaawan, iyo sharaf-dil lagu hayo walaalaheen reer Minnesota.”

“In Donald Trump uu dariskeenna Soomaaliyeed ku tilmaamo ‘qashin’, gobolka Minnesotana uu ugu yeero ‘godka naarta’, waa arrin ugub ku ah taariikhda madaxweyne Mareykan ah,” ayuu yiri Walz. “Maanta waxaan leenahay carruur yaryar oo iskuulada aadaya, iyagoo og in madaxweynahoodii uu ku tilmaamay qashin.”

Walz ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta kale inay cod dheer ku cambaareeyaan hadallada gurracan ee Trump.

“Qof kasta oo gobolkan ku sugan, gaar ahaan madaxda la doortay, haddii aad awoodi weydaan inaad cambaareysaan weerarkan foosha xun ee lagu hayo dariskeenna iyo gobolkeenna, idinkuna toos baad qayb uga tihiin dembiga,” ayuu yiri Walz. “Arrintani kama socon doonto Minnesota.”

Dhanka kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Minnesota, Peggy Flanagan, oo subaxnimadii Arbacada ka hadashay telefishinka CNN, ayaa sheegtay in joogitaanka ciidamada federaalka ee la kordhiyay ay cabsi weyn ku beertay bulshada, taasina ay wiiqayso amniga guud.

“Si degdeg ah ayay u soo galayaan, dadkana way gurayaan. Wararkaas ayaan ka helaynaa dadka goobta jooga, laakiin ujeedka dhabta ah waa in argagax la geliyo quluubta reer Minnesota,” ayay tiri Flanagan.

Wareysigaas oo qaatay saddex daqiiqo, ayay Flanagan ku xustay in inta badan Soomaalida Minnesota ay yihiin muwaadiniin sharci buuxa ku jooga dalka, waxayna ku eedeysay maamulka Trump inay khalkhal gelinayaan nidaamka badbaadada dadweynaha ee Minnesota.

“Ugu dambeyn, waxaan qabaa in tani tahay mashquulin indhaha lagaga jeedinayo diiwaanka fashilmay ee Donald Trump. Dadku waxay hadda aad uga walwalsan yihiin nolosha qaaliyowday. Isagu ma rabo inuu taas ka hadlo, wuxuuna rabaa inuu naga jeediyo. Toddobaadkan waxaa bilowday hadal haynta dambiyada dagaalka, markaasuu leeyahay: ‘Bal aan raadinno koox dhan oo aan shaydaan ka dhigno si aan eedda dusha uga saarno,'” ayay tiri Flanagan.

“Tani waa buuggiisa siyaasadda iyo xeeladdiisa caadiga ah, waxayna dhammaanteen naga dhigaysaa kuwo aan amni haysan.”

- Advertisement -

Read more

Local News