Howlgal culus oo Muqdisho laga fuliyey xalay + Ujeedkaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, kaas oo ka dhan ahaan kooxaha ciyaal weerada ee kusii xoogeystay degmadaasi.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha Kaaraan iyo saldhigga Booliska degmadaas ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo la dhigay xabsiga, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Guddoomiye Abshir Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay, kadib howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka ah, isaga oo farriin culus u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka wada xaafadaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ragga lasoo qabtay ay horey uga digeen inay faraha kala baxaan falalka ay gacmaha kula jiraan, balse ay ka dhaga adeedeen, wuxuuna tilmaamay in haatan ay ka qaadan doonaan go’aan culus.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan baaritaanada habeenkii ee lagu xaqiijinayo amniga degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka qaar ee looga barakacay kooxaha ciyaak weerarada ee ka jira magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii  ahby la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.