25.3 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Ifrah Foundation iyo saaxiibada caalamka oo xusay maalinta u dul qaadasho la’aanta FGM-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa magalaada Muqdisho gaar ahaan Hotel Decele lagu qabtay  xuska maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka fircooniga ee FGM-ka, waxaana xuska goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socota wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Soomaaliya, mas’uuliyin ka socotay hay’adahaha UNICEF iyo UNFPA iyo dad kala duwan.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu casuumay oo ka soo qeyb galay dadka u dhaqdhaqa bulshada, culumaa’udiin, dad kasoo badbaaday gudniinka fircooniga iyo waliba Dhakaatiir.

Ifrah Ahmed oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay iney ka go’antahay ciribtirka gudniinka fircooniga ee Soomaaliya (FGM) si loo ilaaliyo xuquuqda Gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray xuska maalintan caalamiga ah, Ifrah Ahmed, aasaasaha Ifrah Foundation, ayaa daadihisay  doodo  qiiro leh  oo ay kasoo qeyb galeen laba haween ah oo FGM maray, Sheikh Diinta bartay,  kalkaaliso caafimaad iyo Wariye.

Haweenka soo maray FGM-ka waxay la wadaageen dadkii kasoo qeyb galay xuska xanuunkii ay u mareen iyaga oo sheegay iney tahay mid dhibaato badan.

“Waxaan ku soo barbaarnay  iyada oo la’aaminsan yahay in  FGM ay sharaf u tahay gabadha, ayna muhiim u tahay in la gudo. Waxaan la dhihi jiray gabadh aan la gudin waa la caayi, lama guursado, xitaa way furantaa.”

Haweeneyda dooda kasoo qeyb gashay ayaa ka sheekeysay qaar kamid ah dhibaatooyinkii ay la kulantay “Aad buu u xanuun badnaa. Ma jirin daawo xanuun joojiye ah, waxaan dhiig bixayay maalmo badan, saddex bilood ayaan sariirta saarnaa , inaa kaadiyo  waxay noqotay ciqaab, balse waan ka badbaaday”

Waxa ay sidoo kale intaas ku dartay in markii ay weynaatay ay dhibaatada sii saa’iday  “Dhiigga caadada wuu dhib badnaa, gogosha ama la kulanka ninka aa guursadayna   wuxuu lahaa xanuun iyo cabsi, Dhalmada waxay ahayd tii ugu naxdinta badnayd—maalmo ayaan foolanayay runtii markasta ani iyo ilmaha halis weyn ayaan galeenay.”

Waxaa madasha sidoo kale kasoo qeyb galay qaar kamid ah culumada iyo Dhakhaatiirta Soomaaliyeed kuwaa oo si kulul u cambaareeyay gudninka FGM-ka.

Mid kamid ah culumada kasoo qeyb gashay kulanka ayaa yiri “FGM ma laha sal diin. Islaamku ma oggola in la waxyeelleeyo qof bini’aadam xiliga ay doonto ha ahaateen. Falkan Gudniinka fircooniga waa in la joojiyaa.”

Mid kamid ah Dhakhaatiirta caafimaad oo sidoo kale kulankaas kasoo qeyb gashay ayaa  ka sheekeysay waxyeelada caafimaad oo  gudniinka gabdhaha ee FGM-ka uu leeyahay.

Waxey tiri “Dumarka iyo gabdhaha waxay la kulmaan dhibaatooyin badan sida dhalmo dheer, dhaawacyo joogto ah iyo xanuun nafsiyeed. Waa waqtigii aan joojin lahayn dhaqankan halista ah.”

Ifrah Ahmed oo ah aas’aasaha Ifrah Foundation ayaa dirtay baaq deg deg ah oo ku aadan joojinta gudniinka fircooniga.

Waxey si xoogan Ifrah Ahmed ugu baaqday in la dedejiyo tallaabooyinka lagu joojinayo FGM, iyadoo xustay guusha ololeha “Dear Daughter” oo ay ku biireen in ka badan 100,000 oo qoys oo ballan qaaday inay ilaalinayaan gabdhahooda.

Waxey dhanka kale baaq u dirtay madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada “Waalidiinta, hogaamiyayaasha, iyo masuuliyiinta dowladdu waa inay qaadaan doorkooda. Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad ka mid noqotaan dhaqdhaqaaqa difaaca gabdhaha Soomaaliyeed.”

Ifrah Ahmed ayaa sidoo kale ugu baaqday wasaaradda Haweenka iyo Baarlamaanka Soomaaliya in la meel mariyo shaci qaran oo mamnuuca gudniinka  ((Female Genital Mutilation)

“Sharci dejin dhab ah ayaa muhiim ah. Waa in gabdhaha la ilaaliyo, cidda sii wada FGM-na lala xisaabtamo” ayey tiri Ifrah Ahmed.

Dhankeeda waxaa taageero weyn muujisay Beesha Caalamka George Conway, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ku celiyay in beesha caalamku ay garab taagan tahay Soomaaliya:

“Waxaan halkan u joognaa inaan taageerno baaqa shacabka Soomaaliyeed ee isbedelka doonaya. Waxaan la garab taaganahay haweenka iyo gabdhaha la dhibaateeyay, oo ay ku jiraan kuwa lagu khasbo guurka iyo FGM.”

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirka haweenka, qoyska iyo xuquuqul aaadanaha Marwa Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzumi iyada oo sheegtay iney dowladda Soomaaliya ka shaqeyneyso in lasoo afjaro dhaqanka gudniinka, iyada oo sheegtay iney hayaan cadeymo badan oo muujinaya in FGM uu si daran u wax yeeleeyo caafimaadka Gabdhaha.

“Caddaymo badan ayaa muujinaya in FGM ay si daran u waxyeelleyso caafimaadka gabdhaha. Maanta waxaan mar kale u taaganahay inaan dhammeeyo dhaqankan waxyeellada leh.” 

Ugu dambeyntii Ifrah Ahmed ayaa baaq u jeedisay qeybaha kala duwan ee buslahda Soomaaliyeed iney si midnimo leh

Waxay ugu baaqday bulsho-weynta Soomaaliyeed in si midnimo leh la isugu tago sidii loo meel marin lahaa sharci ka dhan ah FGM:

“Macallimiinta, dhalinyarada, culimada, iyo qoysaskuba waa inay is garab istaagaan si aan u ansixino sharci ilaalinaya gabdhaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii waxaa xuska maalinta u dul qaadasho la’aanta laga soo saaray in si wadajir ah looga hor tago gudniinka gabdhaha iyo sidoo kale in la ilaaliyo haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyada oo mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee yimid xuska  maalinta u dul qaadasho la’aanta FGM-ka iney arrintaan looga shaqeyn doono si wadajir ah iyo waliba si gooni gooni ah.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Email: [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News