Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah u magacaabay laba Danjire oo u kala fadhin doona dalalka Somalia iyo South Sudan oo aan u fadhin wakiilo sax ah.
Magacaabida Danjirayaasha ayaa ka danbeysay kadib markii magaalada Addis Ababa uu kusoo xirmay Shir ay madaxda IGAD ku lahaayen magaalada Addis Ababa.
Shir madaxadeedkan IGAD oo looga hadlayey arrimaha dalka South Sudan ayaa waxaa lagu kala magacaabay Danjirayaasha Dr Maxamed Cali Guyo iyo Amb. Ismaaciil Wais.
Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa loo magacaabay inuu noqon doono Danjiraha urur goboleedka IGAD u fadhin doona Soomaaliya.
Sidoo kale, Amb. Ismaaciil Wais ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqon doono Danjiraha urur goboleedka ee IGAD ee Koofurta Suudaan.
Docda kale, Guddoomiyaha Ururka ayaa sheegay in magacaabida Danjirayaasha ay ku saleeyen baahida loo qabo in labada dal loo kala magacaabo Danjirayaal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]